Doorashada shan kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo goor dhow ka bilaabanaysa Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato doorashada Shan kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 Kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen 1-dii Bishaan, balse shan ka mid ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Baydhabo.

Shantan kursi ee maanta ay dhaceeyso doorashadooda ayaa waxaa ku loolami doona Xildbibaanadii horay ugu fadhiyay iyo Musharaxiin kale oo doonaya in hadda ay hantaan oo ay kamid noqdaan Golaha Shacabka.

Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT), ayaa sheegay in kuraastan maanta la dooran doona ay soo mareen dhamaan hab raacyadii iyo sharuudihii loo dajiyay doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More