Kenya oo sheegtay inay dileen 15 kamid ah Alshabaab

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay dileen illaa 15 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab keynta Boni ee gobolka Lamu.
Ciidamada Kenya oo daba joogay dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay lahaayeen Alshabaab oo kuyaal deegaanka Boodeie halkaasoo lagu burburiyay saldhigga.

Waxaa la rumeysan yahay in tuhmanayaashan ay ka dambeeyeen weerarro iyo dilal isdaba joog ah oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah gobolka Lamu.

Alshabaab ayaa dilay ilaa 15 ruux waxayna gubeen guryo iyadoo ku qasabtay dowlada kenya inay bandow habeenkii oo dhan muddo soddon maalmood ah soo rogto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More