Doorasho la isu tanaasulay oo maanta markale ka dhacday magaalada Muqdisho

Doorasho aan lagu tartamin oo ay musharaxiintu isu tanaasuleen ayaa maanta markale ka dhacday magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Illaa shan xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta hoolka dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu doortay.

Musharaxiinta loo tanaasulay oo ku soo baxay doorashadan ayaa kala ah;

Hop#205 Axmed Cabdi Kooshin ayaa loo doortay.

HOP#263 Muuse Saciid Jaamac oo kursigaan horay ugu fadhiyay ayaa markale loo doortay.

HOP#240 Cali maxamuud Aadan ayaa ku guuleystey kursigan.

Hop#271 Cali Cabdi ibraahim ayaa ku guuleystey kursigan.

Hop#241 Cabdiqani Ismaacil Saciid ayaa ku guuleystey kursigan.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa isugu jira kuwo hore ugu fadhiyay kuraasta iyo kuwo ku cusub golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More