Dowlada oo ka hadashay Weerar lagu qaaday guri ku yaal degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho

Feb. 21 (Jowhar.com) – Wasaarada Warfaafinta xukuumada federalka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxa ay uga hadashay weerar ay koox ka tirsan Alshabaab ku qaadeen guri ku yiil degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

 

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weerareen guri ay ku sugnaayeen dad shacab ah ayna ku bilaabeen weerarkooda gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka guriga.

“Toban ruux oo shacab ayaa ku dhintey weerarka halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.”ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.
Dowlada waxa ay sheegtay in laga daadgureeyay dadkii shacabka ah ee degenaa guryaha u dhow halka weerarku ka dhacay.

“Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in guriga la weeraray ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidamada deegaanka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan halkaas oo lagu baxnaaninayay kadib markii ay ka soo kabteen dhaawacyo ka soo gaaray dagaalada ka dhacayay bilihii la soo dhaafay gobolka Hiiraan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdishu.
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollo ka mid ah dalka, hawlgalladaasi oo dhul ballaaran dawladdu ku qabsatay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More