Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Xoghayaha fulinta Hay’adda ka Hortaga tijaabada Nuclear-ka

Feb. 21 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe.

Ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda.

Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey in xoghayaha hay’addan uu yimaado Muqdisho, ka dib kulankooda Vienna oo fariintiisa na uu soo gaarsiiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More