Dowlada oo markale u digtey shacabka ku nool Ceel-Buur iyo Galhareeri

Aug. 15 (Jowhar.com)-Dowlada Federalka ayaa markale soo saartay digniin la xiriirta howlgalo iyo duqeyn dhawaan lala beegsanayo deegaanada ay weli ka joogaan dagaalamayaasha Alshabaab gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannadaas faray in ay isaga fogaadaan goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado halkaas.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More