Dowlada oo sheegatay inay ku dishay sarkaal ka tirsan Alshabaab gobolka Jubbada Dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ku dileen Sarkaal dhinaca Warbaahinta u qaabilsanaa Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cusmaan Dhega Cade.

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya howlgalkan,mana jiro war ka soo baxay Alshabaab oo ka hadlaya weerarkan ay ciidamada dowlada ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka kaliya oo ay dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay ay maamulaan Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More