Is rasaaseyn dad ay ku dhinteen oo saaka ka dhacday magaalada Muqdisho

Labo ruux ayaa ku dhimatay halka mid kalana uu ku dhaawacmay is rasaaseyn ka dhacday saaka agagaarka Isgoyska Dabka ee Gobolka Banaadir.

Wararka waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo saarnaa mooto iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida ay saaka waaberigii isku rasaaseeyeen isgoyska dabka iyadoo labo ruux ay geeriyootay halka mid kalana uu dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in dablay mooto ka degtay ay rasaas ku furtay Ciidanka Dhar-cada ah ee ilaaliya Kaamirooyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ragga weerarka geystay oo dhaawac ah iyadoo la dhigey mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More