Dowlada oo ugu baaqday Maamulada Jubbaland iyo Puntland inay ka soo qeybgalaan wadahadalada doorashooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa ugu baaqday dowlad Goboleedyada ka maqan shirka looga hadlayo arimaha doorasha si khilaafka loogu xaliyo miiska dushiisa.

Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibaraahin Macalimuu ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ku qoray;

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,shuruudo aan dhamaad lahayn waxa ay curyaaminayaan horumarka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo qoray afhayeenka xukuumada.

Waxaa weli jira ismariwaa la xiriira sidii looga heshiin lahaa doorasho ka dhacda dalka,waxaana baaqan ay xukuumadu soo saartay ku soo beegmayaa xilli berri markale xildhibaanada baarlamaanka ay kulan yeelanayaan,iyadoo kulankaasina laga shaki qabo in lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka inkastoo aan si rasmi ah loogu xusin ajandaha kulanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More