Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo caawa la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa la kulmay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray khilaafka Doorashada ka jira iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn natiijada ka dhalatay kulankan.

Kulankan ayaa yimid kadib markii wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia ay Villa Somalia kula soo kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirarkan ayaa waxa ay imanayaan xilli meel xasaasi ah ay marayaan arrimaha doorashooyinka, waxaana jira culeys xoog leh oo ka jira sidii kulanka wadatashiga ah ay ugaga soo qeybgali lahaayeen dhammaan madaxda dowlad goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More