Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Golaha Ammaanka ee lagu ansixiyay ATMIS

April 01 (Jowhar.com) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 oo lagu ansixiyay howlgalka cusub ee Soomaaliya ATMIS kaasoo bedelay AMISOM.

Bayaanka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in qorshaha kala guurka ee ATMIS oo mas’uuliyadda amniga ku wareejiyo ciidanka xoogga dalka.

Howlgalka cusub ee ATMIS wuxuu abuureyaa in la helo ciidan guur guura oo ka jawaabaya khataraha amni daro oo Alshabab geystaan isla markaana ciidanka xoogga dalka ka caawiya howlgalada lagu baacsanayo argagaxida.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Golaha Ammaanka ku bogaadinaysaa taaageeradooda xilligi ay socdeen wada hadalada guddiyada farsamo oo ay uga arrinsanayay sidii howlgalka ATMIS uu u noqon lahaa mid si sax ah u shaqeeya kuna wareega Qorshaha kala Guur Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagebeeyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo soo jirey tan iyo 2007 wuxuu ku ekaa 31 Maarso, waxaana shaqada kala wareegay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xilliga kala guur ee ATMIS kaas oo sii shaqeyn doona ilaa 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More