Xoghayihii Guud ee Guddiga Doorashooyinka FEIT oo xilka laga qaaday

April 01 (Jowhar.com) –Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka ka qaaday Xoghayaha Guud ee guddigaas Cabdirahim Cabdiaziz Aadan.
Xoghayaha Guud ee guddiga FEIT Cabdirahim Cabdiaziz Aadan ayaa lagu eedeeyay uu carqaladeyn joogto ah ku hayey shaqada guddigaas sidaa awgeedna xilka looga qaaday.

Xoghayaha Guud ee guddiga FEIT Abdirahim Abdiaziz Aadan ayaa xalay beeniyey liiska rasmiga ah ee xildhibaanada labada Aqal oo xalay uu soo saaray gudigaas, ka dib markii laga reebay dhowr Xildhibaan.

Akhriso qoraalka xilka looga qaaday Xoghayaha guud ee FEIT

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More