Dowladda Norway oo Soomaaliya ku taageeraysa $30 Milyan oo Horumarinta dhaqaalaha ah.

Dec. 04 (Jowhar.com) -Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

“Waxa aan maanta ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. Waxa aan ka wadahadalnay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda

Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka, lacagahaas waxaa lagu horumarindoonaa dhaqaalaha Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $ 30 Milyan oo doollar Mareykanka ah taasi oo ay u soo marsiinayso Bangiga Adduunka. $30 Milyan ayaa laguu talagalay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda.

Norway ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale duwan ee horumarineed.Dowladda Norway oo Soomaaliya ku taageeraysa $30 Milyan oo Horumarinta dhaqaalaha ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More