Dowladda oo Odayaasha Dhaqanka kala kaashaneysa Dib u xoraynta dalka.

August 31 (Jowhar.com)-Shirka Wadatashiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku saabsan kaalinta odayaasha dhaqanka ee ka qaybgalka Dib u xoraynta dalka iyo amniga Caasimadda ayaa ka Furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Axmed Macalin Fiqi oo ay wehlinaayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Mud. Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Axmed Macalin Fiqi ayaa shirka ka sheegay muhiimada ay dowladda siineyso sidii dalka looga saari lahaa kooxda Shabaab, si amni buuxa loo helo, dowladnimada la gaarsiiyo guud ahaa degmooyinka dalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa iyaguna dhankooda sheegay iney garab taagan yihiin dowladda, si loogu guuleysto ciribtirka kooxda Shabaab oo ah caqabada koowaad ee hortaagan dowladnimada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More