Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab ah oo ay ku jiraan saraakiil ku dishay Hiiraan

Feb. 18 (Jowhar.com-Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahisay howlgalo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo laga sameeyay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo dhanka cirka ay ka taageerayeen saaxiibada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga dhacay meel u dhow deegaanka Afcad ee gobolka Hiiraan.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo socday wax ka badan 12 aaacadood lagu dilay 50 Shabaab ah oo ay ku jireen shan horjooge oo kooxdaasi ah, dowladda ma soo bandhigin khasaaraha dhankeeda soo gaaray hadiiba uu jiro.

Dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada saraakiisha Shabaabka ah ee howlgalkan lagu dilay, iyadoo dowladda ay sheegtay in 72-dii saac ee la soo dhaafay gowlgalo laga sameeyay gobolada dalka lagu dilay ilaa 300 Shabaab ah.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka howlgalka xididdada loogu siibayo kooxda Alshabaab, kaasoo bilihii la soo shaafay dhul balaaran kooxda lagaga qabsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More