Dowladda Soomaaliya oo canbaareysay weerarkii Israel ee isbitaalka Qaza

Oct 18 (Jowhar.com)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeyntii xalay lala beegsaday isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Qasa, halkaa oo la sheegayo in dad ka badan shan boqol oo qof ay ku dhinteen.

Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo haween, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay qoraalka ay soo saartay in mas’uuliyadda dhibaatada halkaa ka dhacday ay Isreal qaadayso.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Af-Carabi ayaa lagu yiri:, “Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Qaza waxa loo arkaa xad-gudub bareer ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka iyo qiyamka bini’aadantinimo oo uu jiro sharciga bini’aadanimo,”.

Soomaaliya ayaa Israa’iil ugu baaqday in inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah isla markaana si shuruud la’aan ah oo degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku baaqday in la furo waddooyinka gargaarka si mucaawino loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee u baahan gargaarka degdeg ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More