Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Oct 18 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaanshaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Hadal ay wadajir warbaahinta u siiyeen ayey ku sheegeen in socdaalkan uu qeyb ka yahay gulufka ku foorara kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo Shabaab ee dhibaatada xoogan ku haya Shucuubta gobolka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More