Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqa joojinta shirkadaha diyaaradaha

June 18 (Jowhar.com)-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa beenisay iney jirto wax khatar ku ah amniga diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo ay jirto walaac ku aadan shaqo joojin ay ku dhawaaqeen diyaaradaha gudaha.

Qoraal ka soo baxay hay’ada ayaa lagu sheegay iney mas’uul ka yihiin badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo been abuur ku sifeysay eedo uga yimid madaxda shirkadaha diyaaaradahaha, kuwaasoo sheegay ineysn amaan eheyn garoomada maamul goboleedyada.

“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS), HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah” . ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shinaca kale sheegtay ineysan jirin wax cabasha ah oo uga timid maamulada shirkadaha diyaaraha, walow ay qirtay iney arkeen warqada baraha bulsjada wareegeysa ee ku xusan shaqa jojiinta beri la sheegay iney bilaabaneyso.

“Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso”. ayaa lagu soo xiray qoraalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More