Dowladda UK oo shaacisay mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland

Dowladda UK ayaa war kasoo saartay halka mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga maamulka la magac baxaySomaliland, xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford, ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Wasiirka Arrimaha dibbada Soomaaliya CabdiSaciid Muuse ayaa maanta qadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin midnimada dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More