Waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo la shaaciyay

Guddiga qaban-qaabada doorashada gudooonka ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer federal ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Guddoomiyaha guddiga.

QoraaL ka soo baxay guddiga Guddiga qaban-qaabadda doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ay dhacayso maalinta Khamiista oo ku beegan 20ka bisha Janaayo ayna ka dhacayso teendhada afisiyoone.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore kaga qaaday xubinimada guddiga 7 xubin oo lagu soo eedeeyay inay ku xad-gudbeen xeer hoosaadka guddiga.

Halkan hoose ka aqriso habraaca iyo jadwalka doorashada guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban’;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More