Dr. Maxamed Sheikh Axmed oo ku guuleystay Doorashada kursiga HOP#086

Feb. 25 (Jowhar.com)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada kursiga Hop086, waxaana ku tartamay labada musharax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.

Sida guddiga doorashada ay shaaciyeen, Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kurisgan kadib markii sida la filayay uu tanaasulay musharax Cabdirisaaq Bukhaari Axmed.

Waxa uu helay dhamaan codadka ergada soo xaadirtay fadhigga oo eheyd 98 ergo, isagoo sidaas ku noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, sida gudidga doorashada ay shaaciyeen.

Kursigan oo uu hore ugu guuleystay Fahad Yaasiin ayaa loo diiday sababo lagu sheegay inuu haeeermaray habraaca loo dajiyay doorashadaasi, iyadoo booskaasi uu banaanaa bilihii la soo dhaafay.

Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo loo xiray kurisgan waxaa wadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo dartiis doorashada looga reebay shan musharax oo uu ku jiray Agaasime xigeenkii hore ee madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More