Duqa Boosaaso oo ku eedeeyay dowlada Federalka inay ka qeybgaleen dagaalka Boosaaso

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya mgaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli uu ka sii socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada gaarka ah ee PSFta iyadoo Maamulka Puntland uu ku eedeeyay dowlada federalka inay caawinayaan ciidamada PSFta.

Duqa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya Boosaaso ay qeyb ka yihiin ciidamada Gor-Gor,balse ma jiro wax eedeyntasi xaqiijinaya.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamo ku sugan xarunta hay’adda PSF oo ka amar-qaata Agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa sababay in boqolaal qoys ay ka barakacaan guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen dagaalka,waxana ay sheegeen ciidamada PSFta inay ka qabsadeen gaadiid kuwa dagaalka ah ciidamada Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More