Rooble oo ku martiqaaday madaxda dowlad goboleedyada shir looga hadlayo doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku martiqaaday Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho 27 bishan December oo ku beegan Isniinta soo socota.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardargelinta doorashada iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka dhashay doorashada Golaha Shacabka, waxaana shirkan uu ka dambeeyay kaddib markii ay dalbadeen Midowga Musharaxiinta in shir fool ka fool la isugu yimaado, si looga arrinsado xaalada doorashada.

Xilliga shirkan loo asteeyay ayaa ah maalin kahor waqtigii hore loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More