Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

May 18 (Jowhar.com)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii dhowaan dhacday ee uu kaga guuleystay saaxiibkiis Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka diirada sidoo kale lagu saaray dar dar gelinta howlaha dowladda cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa booqashada ku wehliyay Xildhibaano, Agaasimayaal, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan oo todobaadka soo socda xafiiska la wareegayo ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu waday kulamo kala duwan uu la yeelanayay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka, iyadoo kulamadaas intooda badan diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dowladda iyo beesha caalamka oo hoos u dhacay Shantii sano uu xafiiska joogay Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More