Duqeymo culus oo lagu weeraray goobo ay Al-Shabaab isku uruursanayeen

Apr 08 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab duqeymo lagula eegtau deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.

Duqeymaha oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Xarardheere ayaa lagu beegsaday xubno Shabaab ah oo is uruursanayay si ay weeraro u geystaan.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal kasoo saartay weerarkan dhanka cirka ah waxa ay ku sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo xiligaasi isu diyaarinayay ineh dad shacab ah laayaan.

“Khawaarijta ayaa maalmahan degaankaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga  duqeeymaaha la la beegsaday  halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Argagixisada gadiidka khawaarijta laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Majirto ilo ka madax banaan dowladda oo xaqiijin kara sheegashadeeda, waxaana Koofurta Mudug inta badan ka talisa kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More