Ergayga Gaarka ee Arrimaha Somaliland oo Qadka Taleefanka kula hadlay Danjiraha Maraykanka

Apr. 12 (Jowhar.com)-Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta qadka taleefanka waxaa ay kuwada xariireyn Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre, kaas oo ay Isla gorfeeyeen ahmiyadda iyo xoojinta Wadahadallada Somaliland.
Ergeyga ayaa Danjiraha uga warxiyay shaqooyinka culus ee horyaala iyo qorshayaasha Xafiiskiisa, waxaana uu Danjiraha u muujiyay taageero iyo garab istaag, asagoona tilmaamay in Dowladd USA ay ka go’an tahay ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa booqasho uu ku tegey dalka Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More