Ergeyga gaarka ah ee dowlada Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan.

Dr. Mutlaq ayaa la sheegay in labo cisho uu joogayo magalada Muqdisho, si uu kulamo ula qaato Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Xubnaha Mucaaradka.

Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, loona arko inay dhex dhexaad tahay, ayna rabto inay weji ka sameysto siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka.

Ergeyga gaarka ah dowlada Qatar ayaa inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho waxa uu soo maray magaalada Hargeysa halkaa oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More