Ergeyga madaxweynaha ee Abaaraha oo la kulmay xoghayaha guud ee Jamacadda Carabta.

July 02 (Jowhar.com)-Cabdiraxman Cabdishakur, ayaa xalay fiidkii dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwyne Xassan Sheekh u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit.

Sidaasi waxaa yiri Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar Danjiraha JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, isagoo xusay in farriinta Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aadannimo oo ku aaddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirrada arrimaha debedda Carabta oo maanta looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya uu Ergeyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad macluul ah.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dartay in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ah ay ka dillaaceen koleera iyo jadeeco.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta ifafaalaha abaaraha ee dalkiisa uu la ildaran yahay iyo saameynta xun ee ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan Soomaaliya si ay ula tacaasho dhibaatada baaxadda leh ee halista ku ah malaayiinta qof ee aan waxba galabsan.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka dalalka Carabta si ay u caawiyaan dalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe degdeg ah oo dalalka Carabta iyo gobolkaba si loo yareeyo khatarta musiibooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More