Faahfaahin ka soo baxaya iskahorimaad ka dhacay magaalada Boosaaso

June 10 (Jowhar.com)-Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay, toddoba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray xeebta Boosaaso ciidamada Booliska Puntland iyo ciidamada PSFta.
Labada ruux ee dhimatay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ahaa qof shacab ah halka kan kale uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Booliska halka lix kamid ah dadka dhaawacmayna ay ahaayeen dad rayid ah.

Lama oga sababta keentay iskahorimaadkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta xilli dad badan ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Boosaaso.Illaa hadda ma jirto cid u hadashay maamulka magaalada Boosaaso iyo Maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa degeneyd bilihii la soo dhaafay kadib markii uu dagaal hubeysan ku dhex maray ciidamada taabacsan maamulka Puntland iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSFta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More