Faahfaahin ka soo baxaysa Nabadoon lagu diley xalay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa waxa ay xalay ku dileen nabadoon caan ka ahaa qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Xasan Nuur Muuse ayaa lagu dhex diley guri uu ka degenaa xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka nabadoonka iyadoo dadkii dilkiisa ka dambeeyay ay baxsadeen kahor inta aysan gaarin ciidamada Booliska halka lagu diley nabadoonka.

Hase yeeshee dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho waxaa sheegta dagaalamayaasha Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More