Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Guudlaawe oo markale xalay Muqdisho kulan ku yeeshay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa xalay markale kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya iyo dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha Sacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

” Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo kala duwan ,iyaga oo walaac ka qaba dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More