Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Baardheere

Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xarun lagu tababaro ciidamada ay ku dhinteen labo askari qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaruntii hore ee ADC ee magaalada Baardheere halkaa oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada dowlada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonaan sida miinad lagu soo geliyay gudaha xerada Ciidamada dowladda ee degmada Baardheere.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More