Wasiirka Arrimaha Dibbada oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha iyo xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More