Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax miino oo qasaare geystey uu ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey illaa afar ruux oo saarnaa gaari biyo u dhaaminayay qoysas xoolo dhaqato ah iyadoo dhammaan dadka dhintey ay ahaayeen dad rayid ah.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in qaraxan ay dad kale ay ku dhaawacmeen iyadoo
qaraxan dhacay xilli ay saaka waaberigii ay weerareen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB kadibna ay ka soo laabteen iyagoo dib ugu laabtay xeryahoodii.

Dagaalada u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa waxaa ay deegaanada ay ka dhacaan waxyeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah iyadoo xalay saddex carruur ah oo walaalo ah ay ku dhinteen magaalada Beledweyne kadib markii hoobiyaal lagu duqeeyay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More