Faahfaahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax qabsaday gaari ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ee dawladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta degmada Kaaraan, waxana gaariga ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ku xirnaa cod baahiyayaal dadka loogu sheegayo inay ka taxadaraan cudurka.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID-19.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Kaaraan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaalaha Wacyi-gelinta Cudurka COVID-19 ee Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Gobolka ka bilaabay olole dadka looga wacyi-gelinayo Cudurka, isla markaana waxaa degmooyinka Gobolka dhex wareega gaadiid ay ku xiran yihiin Mikaroofano, waxaana markii ugu horreeysay ee Muqdisho lagu qarxiyo gaari wacyi-gelin wada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More