Amnesty;”Maamulka Puntland waa in uu joojiyo xarigga iyo tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha”

Ha’yadda caalamiga ah ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu weerar ku hayo weriyeyaasha isla markaana handdadaad iyo tacaddiyo u geystay qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala deegaanadaas.

Amnesty waxay sheegtay in afar weriye labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Waxay walaac ka muujisay dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxabanaan ee ka howlgasha maamulka Puntland.

“Arrinta sare u kaceyso ee ku saabsan weriyeyaasha lagu xirayo Puntland waxay muujineysaa inay socdaan howlgallada ka dhan ah saxaafadda madaxabanaan, xiritaankan wuxuu saameynayaa shaqada weriyaha ee xilliggan doorashada” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Amnesty.

Ha’yadda Amnesty ayaa ugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo xarigga iyo tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha ka howlgala halkaas.

“Mas’uuliyiinta waa inay qaddariyaan, dhowraan, kuna dadaalaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda madaxabanaan”

Dhowaan ayaa maxkamad ku taal magaalada Garowe waxa ay ku xukuntay saddex bil oo xarig ah Kilwe Aadan oo ka mid ah weriyaasha ka howlgala Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More