Faahfaahino ka soo baxaya weerar lagu qaaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka

April 25 (Jowhar.com) -Waxaa soo baxaya faahfaahino ku aadan weerar la sheegay in lagu qaaday Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka  Cabdisalaan Axmed Dhabanacad xilli ay socotay dhaarinta xubno ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay inay jiraan caqqabado dhowr ah oo kusaabsan ishor-istaag lagu sameeynayo howlaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inay suurto geli weysay ku Shaqeynta Xarunta Villa Hargeysa balse markii ay isku dayeen in Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq in lagu dhaariyo Teendhada Afisiyooni ay hor-istaageen taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in markii ay u wareejiyeen dhaarinta Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq Hotal ku yaalla Garoonka Diyaaradaha la soo weeraray oo la rasaaseeyay , isla markaana intaasi oo dhan loo marayo in aan waxba dhismin oo dalka uusan helin wax dowlad ah.

Waxa uu ugu dambeyntii  Cabdisalaan Axmed Dhabanacad sheegay in ay gudanayaan waajibaadkooda Shaqo, isla markaana Maalinta Berito ah iyo Maalinta xigta la kala qabanayo doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad.

Waxaa jira warar sheegaya in la qabtay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada Nabadsugida kuwaasoo galay gudaha hotelka lagu dhaarinayay xubnaha lagu soo doortay Ceel Waaq balse laga qaaday hubkii ay wateen laguna wareejiyay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More