Rooble oo si kulul uga hadlay weerar lagu qaaday guddoomiyaha KMGaarka ah ee Golaha Shacabka

April 25 (Jowhar.com) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay weerar lagu qaaday guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Shacabka isagoo sheegay inuu uu aad uga xun yahay falkaas.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas inuu yahay mid loogaga soo horjeedo sidii loo dhamaystiri lahaa doorashada dalka.

“Waxaan aad uga xun nahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digey taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugida inay ku lug yeeshaan falalka lagu carqaladeynayo dhamaystirka doorashada.

“Waxa aan uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More