Faahfaahin,Qarax dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay degmada Mahaday

Dec. 25 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saddex ruux oo rayid ah ay dhinteen kadib markii ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa deegaanka Buurane iyo Mahaday.
Dadka ku dhintey qaraxan oo saarnaa mooto bajaaj ayaa waxaa ka mid ahayd ruux dumar ah,labada kale ayaa la sheegay inay ahaayeen darawalkii mooto bajaajta iyo nin beeralay ah.

Mooto Bajaajta ayaa la sheegay inay ku sii jeeday deegaanka Buur-fuule oo ka tirsan degmada Mahaday halkaas oo haweeneyda qaraxa ku geeriyootay ay ku lahayd beer.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel ku dhow meel ay saddex maalin kahor miino kula qaraxday gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka iyo labo askari.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More