Farmajo, Rooble iyo maamul goboleedyada oo ka hadlay guusha Aadan Madoobe

April 28(Jowhar.com)- Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo dhaweeyay guusha taariikhiga ah uu Sheekh Aadan Madoobe ka soo hoyiyay doorashada gudoonka golaha shacabka ee xalay lagu qabtay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo la rumeysnaa inuu watay musharixii uu ka guuleystay Aadan Madoobe ayaa soo diray hanbalyada guusha, isagoona gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo howlaha culus ee haatan horyaala.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.” ayuu yiri Fatmaajo.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Rooble ayaa Sheekh Aadan Madoobe ka dalbaday inuu dadajiyo doorashada madaxweynaha, isagoo kaashanaya Aqalka Sare, taasoo saldhig u noqon karta in la maareeyo firaaqa dastuuriga ah ee dalku galay mudooyinkan, wuxuuna dhinaca kale amaanay ciidamada dowladda kuwa ATMIS iyo beesha caalamka oo howshan kaalin ku leheyd.

“Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay”. ayuu yiri Rooble.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland,Jubaland,Koofur Galbeed,Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyaguna si weyn ugu hanbalyeeyay gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxeyna u rajeeyeen inuu Alle xilka culus ee la saaray ku ilaaliyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More