Feysal Cabdi Bootaan oo beeniyay in lagala baxay xabsigii uu ku jiray

Aug 29 (Jowhar.com)-Faysal Cabdi Bootaan oo ah Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool oo ay gacanta ku dhigeen SSC ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maleeshiyaad gadoodsan ay xabsiga kala bexeen.

Taliye Faysal ayaa tilmaamay inuu meel amaan ah ku sugan yahay, isla mar ahaantaasina aysan jirin in xabsigii uu ku jiray lagala baxay.

Waxa uu shaaciyay inuu la xiran yahay ciidankii kale ee lala soo qabtay Jimcihii, isagoo dadka uga digay iney faafiyaan wararka been abuurka ah ee xaaladiisa la xiriirta.

“Borobagaandooyinka la leeyahay ninkaas waa lala baxayaa iyo ciidan baa lala baxayaa, waxaas waxba kama jiraan. Anigu goob ammaan baan joogaa. Dadkii oo dhan baa ii shaqeynaya,” ayuu yiri Feysal Cabdi Bootaan oo cod soo duubay.

Si kastaba, Masuuliyiin katirsan maamulka SSC- Khaatuma ayaa sheegay in maxaabiista lagu qabtay dagaalka la isugu geeyay goob ammaan ah, lana ilaalindoono xaquuqdooda aas aasiga ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More