Axmed Karaash oo 16 sano kadib tagay deegaano kamid ah SSC

Aug 29 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo socdaal ku maraya gobolka Sool ayaa gaaray deegaanka Guumeys ee oo 9km u jirta magaalada Oog.

Karaash waxaa soo dhaweeyay boqolaal kamid ah shacabka SSC, isagoo fagaare kula hadlay waxa uu soo dhaweeyay isbedeladii u danbeeyay ee dhacay.

Socdaalkiisa ayaa yimid ka dib markii Somaliland looga saaray deegaanadan dagaal socday 201 maalmood, jimcihii oo taariikhdu eheyd 25kii bishan ayaa laga qabsaday deegaanadan.

Axmed Karaash ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey ee kasocda Puntland ee taga Laascaanood tan iyo markii 16 sano kahor laga saaray deegaanadaasi October 2007dii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More