Gabar ardayad eheyd oo isku dishay Hargeysa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Imtixaanka.

Sept. 16 (Jowhar.com)-Layla Cabdi Maxmaed oo eheyd ardayad dhiganeysay fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ayaa Khamiistii isku daldashay xaafas ku taala magaalada Hargeysa ee xarurnta maamulka Somaliland, halkaasoo isla shalay lagu aasay.

Sida wararku sheegayaan, Gabadhan ayaa is dishay kadib markii ay soo baxday natiijada Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe & Sare ee Somaliland, iyadoo kamid noqotay ardaydii ku dhacday Imtixaanka fasalka ugu danbeeya ee dugsiga sare.

Geerida gabadhan waxaa xaqiijiyay Aabeheed Cabdi Maxamed, isagoona xusay inay gabadhiisa ku fiicneyd waxbarashada, balse ay la yaab ku noqotay falka ay isku dishay.

“Anigaa dhalay oo waxaa la yiraahdaa Layla Cabdi Maxamed, inan yar oo aad waxbarashada ugu wanaagsana ayay ahayd oo dadaaleysay, Goobta guriga hooyadeed ayay isku daldashay, laakiinse inan Jin ku jiro ayay ahayd oo dariif ahayn, qofkuna haddaanu dariif ahayn dee wuu is daldalayaa” Ayuu yiri Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Qaar kamid ah ardaydii ay wax wada baran jireen ayaa dalbaday in dib loo baaro natiijada gabadhaas, iyagoo sheegay iney u qaadan waayeen in marxuumada oo waxbarashada ku fiicneyd ay ku dhacday Imtixaankii Shahaadiga ee dugsiga sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More