Galmudug oo cadeysay mowqifkeeda khilaafka cusub ee doorashada

April 05 (Jowhar.com)- Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo haatan marayay meel gebogabo ah.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin xasilooni darada lagu abuurayo doorashada, xili ay fooda nagu soo heyso waqtigii lagu balamay in la qabto dhaarinta xildhibaanada labada aqal oo ku beegan 14-ka bishan.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay ka digtay sii socoshada in la iska qaato go’aano keli ah iyadoo aan laga tala gelin golaha wada-tashiga qaran, wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol ayey sheegeen in doorashada dalka halkan lagu soo gaarsiiyay.

“Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu sii daray warka.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa ku soo beegmay xili Koofur Galbeed ay joojisay wada shaqeyntii dhinaca doorahsada ee ra’iisul wasaare Rooble oo daba socotay shaqa joojintii lagu sameeyay laba xubnood oo FIET ka tirsanaa oo lagu eedeeyay Fowdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More