Galmudug oo gacanta ku dhigtay qaraxyo culus iyo ragii watay.

August 19 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo ciidamada amniga maamulka Galmudug ay ka sameeyeen Koofurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo howlgalkan lagu soo qabtay qaraxyo iyo ragii watay.

Sida wararku sheegayaan, baaritaanadan waxaa si gaara looga sameeyay deegaanka Dagaari, iyadoo lagu soo qabtay In ka badan 50 Miinooyinka nuucyadooda kala duwan, Jawano budo ah iyo dadkii waday.

Saraakiisha laamaha amaanka ee howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in maalmaha soo socda ay soo bandhigi doonaan xogta dhameystiran ee shaqsiyaadkan, iyagoo u mahad celiyay shacabka oo ay sheegeen iney kaalin ku lahaayeen xuuraanka suira galiyay soo qabashada shaqsiyaadkan.

Si kastaba, Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay dhinacyadeeda kala kala Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo waaweyn oo qaarkood mas’uuliyiin lagu dilay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More