Ganacsade Ruush ah oo dhintay kadib markii uu ka soo dhacay daaqada cisbitaal lagu daweynayay

Sept. 01 (Jowhar.com)-Wararka ka imaanaya magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa sheegaya in guddoomiyaha shirkadda weyn ee shidaalka Lukoil, Ravil Maganov, uu geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay daaqadda isbitaal lagu daweynayay.

Shirkadda ayaa xaqiijisay dhimashadiisa balse waxay sheegtay in Maganov, oo 67 jir ah, uu u geeriyooday xanuun.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in lagu daweynayay Isbitaalka Dhexe ee Moscow uuna u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Saraakiil baaritaanka geerida ganacsadahan bilaabay ayaa sheegay in goobta ay ka howlgalayaan si ay u ogaadaan sida uu u dhintay.
Maganov ayaa ah ganacsadihii ugu dambeeyay oo u dhinta xaalad aan la garanayn.

Wakaalada wararka ee Tass ayaa ka soo xigatay ilo-wareedyo sheegaya in uu ka soo dhacay daaqad dabaqa lixaad ah, iyadoo laga yaabo inuu is dilay.

Wax yar ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine, guddiga Lukoil waxay ku baaqeen in colaadda la joojiyo sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxwaynaheeda bilyaneerka ah, Vagit Alekperov, ayaa is casilay bishii Abriil ka dib markii UK ay ku soo rogtay cunaqabatayn isaga oo ka jawaabaya duulaanka. Dhowr Ganacsadayaasha tamarta oo Ruush ah ayaa ku dhintay xaalado aan caadi ahayn bilihii dhawaa:

Maydka milyaneer Novatek maareeyihii hore ee Sergei Protosenya ayaa la helay bishii Abriil. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Gazprombank, Vladislav Avayev, ayaa meydkiisa isagana waxaa laga helay xaaskiisa guri uu ku lahaa Moscow, sidoo kale bishii Abriil.

Bishii Maajo, maalqabeen hore oo Lukoil ah Alexander Subbotin ayaa u dhintay wadne xanuun, sida la sheegay ka dib markii uu daweyn kale ka raadsaday meel aan isbitaal ahayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More