Gen Xijaar oo kormeeray Xarunta Doorashada kuraasta Baarlamaanka Federalka Garowe

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kormeer qiimeyn amni ku sameeyay xarun ku taala Garoowe taasoo loo diyaariyay doorashada Kuraasta Baarlamaanka Federalka ee 20/21.

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la kulmay saraakiisha lagu wareejiyay ammaanka xaruntaan, waxa uu ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada ay hayaan, tirada ciidamada ku sugan iyo agabka ay ku howlgalaan.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa bogaadiyay howsha ay hayaan ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa gacanta ku haya xarunta loo diyaariyay martigelinta Doorashada Golaha Shacabka .

Qorshaha ayaa ah in Taliye Xijaar uu tago Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo qaybta labaad kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee dhanka Puntland laga soo dooranayo 20/21 lagu qabto.

General Xijaar ayaa sidoo kale waxa uu booqan doonaa Xerada Ciidanka Booliiska ee Carmo, waxaana tababar uu usoo xiraa saraakiil iyo askar katirsan Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland oo bilooyinkii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayay xeradaas.

Taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed ayaa hore u soo booqday degmooyin ka mid ah dowlad goboleedka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More