General Xuud oo oggoladay inuu magaalada Muqdisho  tago

Generaal Abuukar Xaaji warsame Xuud, Hogaamiyaha Golaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa aqbalay inuu magaalada Muqadisho tago si loo sii wado wadahadalo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya isaga iyo maamulka Hirshabelle.

General Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Ciidamada Dhulka Soomaaliya ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne isagoo kulamo la qaatay Genral Xuud iyo xubno ka tirsan kooxda uu hoggaamiyo.

Hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in taliyaha ciidamada lugta General Biixi kulan uu la yeeshay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Maamulka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin howlaha dhinaca siyaasada ah ee uu General Biixi ka bilaabay magaalada Beledweyne,sidoo kale siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo markii hore taageersanaa General Xuud ayaa aamusan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More