Go’aanka Golaha Wasiirada ee ONLF oo si weyn loo soo dhaweeyay

Waxaa si weyn loo soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiirada ay ugaga noqdeen go’aankii sanadkii 2017 ay xukuumada ururka ONLF ugu aqoonsatay argagaxiso.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiirada waxana uu qoraal uu soo dhigey bartiisa ku yiri;-

“Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay go’aankan Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxana uu yiri;

“In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirada ee looga noqday go’aankii ONLF looga dhigay argagixisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii baalmarsanaa Soomaalinimada ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax.

“Go’aankii 2017 waxa uu ahaa taariikh madow,Well Done Ra’isul Wasaare Rooble”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo ka mid ah madaxda soo dhoweeysay go’aanka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayna ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay horay Xukuumaddii hore ugu aqoonsatay ONLF inuu yahay Urur Argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Madaxeynaha Jubbaland uga mahadceliyay golaha wasiirada garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay Muwaadin Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ahaa fal qalad ah,ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa soo dhoweeyay go’aankii looga noqday ee ONLF looga dhigay argagixisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii Qalbi Dhagax lagu dhiibay ee baal marsanaa Soomaalinimada.

“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).”ayuu yiri Mustafa Cagjar.

“Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More