Golaha Amaanka oo maanta ansixinaya howlgalka ATMIS.

Mar 30 (Jowhar.com) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta fadhi ka yeelanaya howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, kaas oo dhawaan loo gudbiyay.

Howlgalkan oo beddelaya AMISOM ayaa la filayaa in uu socdo ilaa 2024ka. Waxaa ku jira 18kun oo Askar Milatari ah,1000 Boolis ah iyo 70 shaqaale rayid ah.

Qorshaha howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah in howlgalka uu noqdo mid fulineed, islamarkaana weerar ku qaadi kara goobaha ay ku suganyihiin Al shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayey amniga waddanka ku wareejinayaan December 2024 sida ku cad qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysay in amniga waddanka lagu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya dhamaadkii 2021 laakiin ma aysan dhicin kaddib markii qiimeyn madaxbanaan oo ay sameeyeen Guddiga amniga Nabadda Midowga Afrika iyo Guddi ka socda Qaramada Midoobey ay isla garteen in howlgalka KMG laga dhigo Lana siiyo mandate 3 sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More